Iran oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka nixiyey Dowladaha Yurub iyo Mareykanka

Tehran  (Caasimadda Online) – Dowladda Iran ayaa shaacisay inay sare u qaadday heerka uranium-keeda tayaysan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa toddobaad kadib markii uu dalkaasi shaaciyay inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii 2015-kii kaasoo ku aaddan xaddiga loo oggol yahay ee keydkiisa uranium-ka ay tayadeedu hooseyso.

Go’aankan ay gaartay xukuumadda Tehran ayaa qeyb ka ah dadaalka ay ku dooneyso inay cadaadis ku saarto dalalka Yurub si ay uga khafiifiyaan cunaqabateynta Maraykanka ee wax u dhintay dhaqaalaha Iran.

Ku xigeenka wasiirka arimaha dibada ee dalka Iran Abbas Araqchi oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in wali ay daneenayaan ilaalinta heshiiskaasa.

Balse wasiirka ayaa wadamada Yurub ku dhaliilay in ay ku fashilmeen ilaalinta go’aamadooda ku aadan heshiiskan.

Mr Araqshi ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay bilaabi doonto sara u qaadidada Yuraaniyamkeeda 3.67% taas oo aad uga hor imaanayso heshiiskii 2015.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa Mareykanka iskaga baxay heshiiska xakamaynta Niyukleerka isagoona dib usoo celiyay cunaqabateenadii saarnaa dalka Iran.

Iran ayaa bishii May mudo 60 maalin ah u qabatay wadamada wali heshiiskan qaybta ka ah sida Shiinaha, Faransiiska, Germal’ka, Ruushka, iyo UK in ay kaga soo jawaabaan cunaqabateenta Mareykanka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Iran ayaa ka codsaday waqti dheeraad ah oo ay uga soo tashadaan arintan.

Dalalka Yurub ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan fashil ku yimaada heshiiska, balse haddii Iran ay sii wado inay jebiso qodobada, waxaa lagama maarmaan noqoneysa inay isaga baxaan.

Heshiiskii 2015, waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sannadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu dalkaasi ku rogay.

Mareykanka waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan.

Ku dhawaaqista Iran ee go’aankan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron lahadalay dhigiisa Hassan Rouhani kaas oo walaac xoogan kaga muujiyay ka bixida heshiiskan.

Caasimada Online
Xafiiska Tehran
Caasimada@live.com