Dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii golaha amniga qaranka ee  uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee maanta loo ballansanaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warqad uusoo saaray 9-kii bishaan oo aheyd maalintii xigtay markii Madaxda maamul Goboleedyada ay sheegeen in ay hakiyeen xiriirka Dowladda federaalka kala dhaxeeya waxa uu ku ballamiyay shirka Golaha Amniga Qaranka 17-ka bishaan oo maanta lagu waday in uu dhaco hayeeshee baaqday.

Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa 14-kii Bishaan shuruud ku xiray ka qaybgalka shirka golaha amniga qaranka.

Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in la helo cid saddexaad oo goobjoog ka noqoto waxa ay ku heshiinayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Dowladda Federaalka ama ay kawada hadlayaan.

Inkastoo Dowladda Federaalka aan wali ku dhawaaqin baaqashada shirka, hadana waxa uu u muuqdaa in uu dib u dhacay sababo dhowr ah oo isbiirsanaya awgood, waxaana kamid; Madaxda Dowlad Goboleedyada oo maalin kahor shirarka imaan jiray Muqdisho, balse hadda ku sugan Xarumahooda iyo qaban-qaabadii  dowladda dhexe ee u diyaar garowga shirka oo aan iyana jirin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com