Xirriiftinka xirfaddeysan ee doorashada PUNTLAND

Xiisada siyaasadda  waxaa kor u qaaday 2009kii, kadib markuu   Afhayeenka Golaha Wakiiladu uu  noqday siyaasi kasoo jeeda Gobolka Mudug, waxana ,taasi ay keentay in  Gobolka Sanaag uu  loolan adag ugalo Madaxtooyada siduu ugu  guuleysan lahaa  waxase  difaac   adag u dhigay siyaasiin kasoo jeeda  Nugaal, Karkaar iyo Mudug ugu Dambeyntiina Nugaal  ayaa ku guulestay  kana guulestay Sanaag, loolanku wuxuu dhex maray  Faroole iyo Ilka jiir.

Dib u milici Taariikheed  2009, Doorashadii Puntland  ka qabsoontay wax   isu  soo sharraxay  in ka badan  sagaal musharax waxana ka xusi kara inta aan xasuusto, Allaha u naxariistee Sarreeye  guuto  Maxamuud Muuse Xirsi.oo markas  xilku ka dhammaday, 1,Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud  (Faroole), 2,Nuuradiin 3,Aadan,4,Cumar Cali Farjac,5,Aadan Maxamad Ciise Gaadaale,6,Cali cabdi Awaare, 7,Eng  Nuur Xasan Faarax, 8,Siciid Maxamad Raage, 9,Cabdulaahi  Jamac  Ilkajiir. Musharaxiinta Toddobo kamida  siyaasaddoodu waxay isku xirayd si hoose.

Waqtigas  xamaasada doorashadu waxay gaartay meel sare in kastoo dhanka Caasimadda Soomaaliya  aysan samayn weyn ku yeelan madaama  Dawladda dhexe ee Xamar fadhigeedu yahay  ay ahayd mid tabar yar.

(Hannaka xil doorasho ee  Dawlad Gobolleedka  Puntland Soomaaliya)-

Siyaasadda Puntland  ee hoggaanka sarre  sida Madaxweynaha  kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka  waxay u qebaysan tahay  hannan  Qabaa’iil  laakiin  waa mid  la qurxiyey kumana qora Dastuurka)  Puntland  hasayeeshe  waa mid muujinaysa in Nin!  kasta yaqan  kursiga uu,  u Tartamayo meesha uu yaal.

(Taariikh kooban xamaasadii  2009).

2009 Loolanka doorashadii 2009,ayaa waxaa  xamaasad  iyo xiiso u yeelay ka dib markii ay kusoo biireen doonista jagooyinka ugu sarreeya   Dawlad Gobolleedka Puntland  Soomaaliya   (DGPS)  Beelo   an horey   ugu  tartami jirin Jagooyinka Madaxweynaha, iyo Guddoomiyaha Barlamaanka’ waxay taasi  keentey inay soo baxaan Beelo  aan horay isku luri jirin   qabashada Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha waxana cirka isku shareeray xiisada doorashada.

Taariikh kooban  2014)

Puntland  waxaa isu soo sharaxay  musharaxiin aad u badan  intooda badan waxay ahayeen Murshaxiin kasoo kala jeeda  Mudug Nugal  iyo Karkar, waxase    kursiga Madaxtooyadu uu dhexe yimid   kadib markii ay Sanaag  iyo Sool  laga wayey  musharaxiin cadcad  oo u tartamaya  Kursiga Madaxweynaha, waxana loolanku  Fagaarah  isku keenay  Ra’ iisul wasaarihii hore ee Dawladdii Federalka ee kumeel gaarka ahayd  Mudane  Cabdiweli Maxamad Cali Gaas,  iyo Madaxweynihii Xilka Puntland ka dhamaaday xiligas  mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad  Faroole, oo kasoo kala jeeda Mudug iyo Nugaal  sidookale Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa halkiisii hore ee uu kasoo guuray 2009  dib ugu noqday taaso ah Gobolka Sanag.

doorashada innagu soo fooleh ee 2019 ayaa noqon doona mid  ka xiiso badan tii (2009), loolanka koowaad wuxuu ka bilaban doona Beelaha soo xulaya xldhibaannada, oo siyaasiintu culeys  ku saari donaan inay soo xulan siiyaasi kasta xildhibaan tageersan.

Beelaha laftooda oo xildhbaannada ku kala loolami doona qaab Jifooyin hoosaad ah.

Dawladda dhexe ee federalka oo galangal ku yeelan doonta lagana yaabo inay faragalin hoose ku samayso soona saarto siyaasi taageersan siyaasadda Nabad iyo Nolol.

Dawladda  Isutaga Imaraadka Carabta  oo (Bari gantaal) u samayn doonta  Madaxda hada talada Puntland haysa  maadaama  Dawladda Soomaaliya iyo  Imaraadku  xurguf siyaasaddeed ka dhexayso.

Gebgebadiina   siyaasiintu waxay adeegsanayan Ninba xeeladii qeyb waxay leeyihiin waxanu soo Afjari doona  waxay ku sheegeen   musuqmaasuq, qeyb kale waxay leeyihiin Dimuqraadiyad ayanu hirgalin doona qeybna  waxay leeyihiin Gobolka maqan ayaanu so celin doona   dhammaan  Qodobbadan waxay noqonayan kuwo horay loo isticmaalay.

Xaalku waa Nin iyo nasiibku  looge loba joge

W/Q: Cabdinuur Faarax  Maxamuud
abdinuur02@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid