ODAWAA oo sheegay cida leh mas’uuliyada khilaafka dowlada iyo maamuullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo mar soo noqday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ayaa si adag uga hadlay Khilaf Siyaasadeedka dowlada Dhexe kala dhexeeya maamul Goboleedyada.

Xildhibaan Odawaa, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligaan uu khilaaf intaa la’eg ka dhex dhasho dowlada Dhexe iyo maamulada waxa uuna ku baaqay in si dhaqsi ah xal loogu helo khilaafka.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa in Khilaafka uu kasii xoogeysanayo heerkii uu taagnaa isagoo sababta ugu weyn ku sheegay dulqaad la’aan heysata dowlada.

Mar uu la hadlaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in khilaafkaas uu ka danbeeyay kadib koror ku imaaday faham yari DFS ka heysato nidaamka federaalka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Dhexe ay faragalin xoogan ku sameysay maamul Goboleedyada ka jira dalka taa oo sabab u noqotay Khilaaf xalintiisa ay u muuqato inay ka qeybqaadan doonaan xubnaha Beesh Caalamka.

Waxa uu sheegay in dowlada Dhexe ay sameysay dadaalo lagu doonayey in lagu dumiyo maamulada Jubbaland iyo Galmudug balse ay fashilmeen, sida uu hadalka u dhigay waxana uu aad u dhaliilay Siyaasada dowladda Federaalka ay xilligaan ku Shaqeyso.

Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa, oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in faragalinta dowlada Dhexe laga dhexlay in maamulada ay ku dhawaaqan hakinta wada shaqeynta kala dhexeysa dowlada, waxa uuna arrinkaasi ku sheegay dhibaato usii korortay dowlada.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa waxa uu Madaxda dowlada ku eedeeyay inay hagar daamooyin ku hayan Dowlad goboleedyada,sidoo kalena ay sheegeen in loo baahan yahay gacan Saddexaad oo dhex dhexaadisa.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa ayaa kusoo beegmaya xili uu dib u dhac ku imaaday Shirkii Golaha Amniga ee lagu  balan sanaa inuu qabsoomo 17-bishaan oo maanta ku beegan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com