ONLF oo dalbatay in Afti laga qaado dadka ku nool gobolka Soomaali galbeed

Adisaba (Caasimadda Online) – Ururka ONLF ayaa soo jeediyay in la qabto afti dadka Dowlad Degaanka Soomaalida ay go’aan uga gaarayaan aayahooda iyo habka loo maamulayo kheyraadka Dabiiciga  ah ee uu ka mid yahay shidaalka laga helay Gobolka Soomaalida.

Axmed Yaasiin Cabdi oo ah Xoghayaha arrimaha dibadda Ururka ONLF ayaa u sheegay Wargeyska Bloomberg in Ururkooda uu doonayo in dadka Soomaalida ah la weydiiyo sida ay tahay in loo maamulo shidaalka dhulkooda islamarkaana go’aan ka gaarista shidaalka iyo siyaasadduba ay iyaga yeeshaan.

Arrintan waxaa ay timid iyada oo uu socdo wahadal u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF,kaas oo lagu doonayo in Ururka uu uga mid noqdo xisbiyo siyaasadeed oo dalka Itoobiya ka hanaqaadaya.

Axmed Yaasiin,ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ay tahay in ay iyaga maamulaan kheyraadkooda Dastuurka Itoobiyana uu taas u fasaxayo,haddana ay muhiim tahay in afti laga qaado si arrintaas u noqoto mid rasmi ah.

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafa Cumar oo isaguna ka hadlay Magaalada Adis ababa ayaa sheegay in Dadka Soomaalida ah ay doonayaan maamul ay iyaga leeyihiin go’aankiisa kama dameysta ah.

Ururka ONLF ayaa sheegay in uu ka qeybqaadaanayo doorashooyinka guud ee ka dhacaya Dalka Itoobiya marka la gaaro sanadka 2020-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com