Dhuusamareb (Caasimada Online) – Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la filayey in maanta uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Xubno ka mid ah guddiga qaban qaabada ayaa Caasimada Online u sheegay in arrimo farsamo darteed uu u baaqday shirkaasi.
Sidoo kale waxa ay xunahani sheegeen inay ku rajo weyn yihiin in shirka uu furmo maalinta bari ah oo ku beegan 5/09/2019-ka.
Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kahyre iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa daah-furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo in muddo ah diyaarintiisu ay watay xukuumadda Soomaaliya.