Dib u dhac markii 3-aad oo ku yimid shirweynaha dib u heshiisiinta GALMUDUG

Dhuusamareb (Caasimada Online) – Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la filayey in maanta uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xubno ka mid ah guddiga qaban qaabada  ayaa Caasimada Online u sheegay in arrimo farsamo darteed uu u baaqday shirkaasi.

Sidoo kale waxa ay xunahani sheegeen inay ku rajo weyn yihiin in shirka uu furmo maalinta bari ah oo ku beegan 5/09/2019-ka.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kahyre iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa daah-furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo in muddo ah diyaarintiisu ay watay xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale ammaanka ayaa la adkeeyey, iyadoo ay si weyn u xaqiijinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la geeyey halkaasi.
Waa markii saddexaad oo uu dib dhac ku imaanayo shirkan oo ay weli tabasho ka qabto beesha Saleebaan ee degta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com