Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal cusub oo Midowga Afrika (AU) oo taageeraya nabadda ayaa si rasmi ah uga howlgalay Soomaaliya 1-dii Janaayo 2025. Waa howlgalkii saddexaad ee xiriir ah ee dalka laga hirgeliyo, balse sidii kuwii hore, maalgelintiisa weli ma cadda.
Howlgalka cusub, oo lagu magacaabo Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), wuxuu beddelay Howlgalka Ku-meelgaarka ee AU ee Soomaaliya (ATMIS). Waajibaadkiisu wuxuu yahay inuu gacan ka geysto dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo xakameynta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.
Si loo xalliyo caqabadaha dhaqaale ee howlgaladii hore wajahaan, waxaa la dejiyey nidaam cusub oo ogolaanaya in Qaramada Midoobay (QM) ay ka qaaddo wadamada xubnaha ka ah dhaqaalaha daboolaya 75% kharashka sannadlaha ah ee howlgalka, halka 25%-ka kale ay AU bixinayso. Heshiiskan waxaa lagu gaaray Qaraarka Golaha Ammaanka ee UN (UNSC) 2719.
Go’aanka Golaha Ammaanka ee bishii December 2024 ee lagu aasaasay AUSSOM (Qaraarka 2767) wuxuu xusay in nidaamka maalgelinta wadaagga ah la adeegsan karo, balse waxaa la dhigay farqi lix bilood ah oo u dhexeeya bilowga howlgalka iyo hirgelinta nidaamkaas. Dowladda Mareykanka waxay ku dooday in aan weli la gaarin xilliga ku habboon ee Qaraarka 2719 si toos ah loogu dabaqo Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in kulan Golaha Ammaanka uu yeesho bisha May lagu go’aamin doono maalgelinta AUSSOM, iyadoo la rajeynayo in nidaamka dhaqaale ee cusub la ansixiyo.
Caqabadaha siyaasadeed, howlgal iyo isku-dubarid
Inkasta oo maalgelinta ay tahay caqabadda ugu weyn ee AUSSOM, haddana waxaa jira dhibaatooyin kale oo la xiriira siyaasadda, howlgallada iyo isku-dubaridka hawlaha nabad-ilaalinta.
AUSSOM wuxuu ku dhex jiray xasarad siyaasadeed oo gobolka ka taagan. Itoobiya – oo ahayd dal muhiim u ahaa ATMIS – ayaa khilaaf la gashay Soomaaliya kadib markii Addis Ababa ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland, oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya.
Dhex-dhexaadin ay Turkigu sameeyeen ayaa dejisay xiisadda, taasoo suuragelisay in Itoobiya ay qayb ka noqoto howlgalka cusub ee AUSSOM.
Howlgalka wuxuu ku bilowday dhammaan dalalkii ciidanka iyo booliska ku darsaday ATMIS, marka laga reebo Burundi, oo ka baxay kadib markii ay khilaaf ka dhalatay qaabka loo kala qoondeeyay ciidamada.
Waxaa sidoo kale suuragal ah in Masar ay ku biirto howlgalka, balse weli heshiis rasmi ah lagama gaarin qaab-dhismeedka ciidamada AUSSOM.
Maalgelinta oo weli ah caqabadda ugu weyn
Howlgalladii hore ee AMISOM iyo ATMIS waxay si weyn ugu tiirsanaayeen maalgelinta deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Midowga Yurub (EU) ayaa bixin jiray gunnooyinka ciidamada, halka Qaramada Midoobay ay ka caawin jirtay sahayda iyo qalabka ciidan ee Soomaaliya iyo howlgallada nabad-ilaalinta, iyada oo loo marayo Xafiiska Taageerada UN ee Soomaaliya (UNSOS).
Hase yeeshee, habkan maalgelinta wuxuu ahaa mid aan joogto ahayn, aan la isku halleyn karin, isla markaana aan ku filnayn howlgalka baaxadda leh ee Soomaaliya. Soomaaliya waxay la tacaashay dhismaha dowladnimada, sida ansixinta dastuur cusub iyo dhisidda hay’ado amni oo shaqeyn kara.
Caqabadan dhaqaale iyo midda amni waxay saameyn ku yeesheen waxtarka howlgalladii hore, keenayna dib u dhac mushaaraadka ciidamada ah iyo xakameyn la’aanta deegaanada laga saaray Al-Shabaab.
AUSSOM waxay hadda wajahaysaa caqabado la mid ah. Inkasta oo la meel mariyey Qaraarka 2719 bishii December 2023, haddana waxaa jira caqabado dhanka dhaqaale ah oo ka hor taagan in lacagtii howlgalka loogu talagalay la helo.
Helitaanka maalgelinta Qaraarka 2719 wuxuu ku xiran yahay in la fuliyo shuruudo horay loogu dejiyey Waddo-mareenka (Roadmap) UN iyo AU ee hirgelinta qaraarkaasi.
Si arrinta loo xalliyo, Golaha Ammaanka waxaa la filayaa inay bisha May u codeeyaan ansixinta maalgelinta AUSSOM, kadib markii ay dib u eegaan laba warbixin oo waaweyn oo uu diyaariyay Xoghayaha Guud ee UN.
Maalgelinta AUSSOM iyo doorka Mareykanka
Isbedelka siyaasadda Mareykanka, gaar ahaan xilliga labaad ee madaxweyne Donald Trump, wuxuu halis gelin karaa maalgelinta howlgalka.
Xukuumaddiisu waxay muujisay in ay dib uga gurayso ballanqaadyadii ay horey uga gashay taageerada nabad-ilaalinta caalamiga ah, taasoo saameyn ku yeelan karta maalgelinta howlgalka Soomaaliya.
Horeyba, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka wuxuu 11-kii February sheegay in ‘Qaraarka 2719 aanu noqon mid lagu maalgeliyo AUSSOM, maadaama ay taasi ku qasbi doonto Mareykanka inuu si joogto ah u bixiyo lacagta howlgalka,’ taasoo su’aal gelisay doorka Mareykanka ee taageerada nabad-ilaalinta UN.
Haddii Mareykanka hoos u dhigo doorkiisa maalgelinta howlgalka, waxa ay taasi keeni kartaa hoos u dhac weyn oo ku yimaada taageerada AU iyo UN ee Soomaaliya. Sidaas darteed, Guddiga Wadajirka ah ee UN iyo AU waa inuu dadajiyo fulinta shuruudaha lagu xusay Roadmap-ka si loo dhaqan geliyo Qaraarka 2719.
Midowga Afrika waa in uu diyaariyo qorshe kale oo la tixgeliyo haddii maalgelinta 2719 ay dib u dhacdo ama la hakiyo, iyadoo la eegayo ikhtiyaarro yareyn kara baaxadda howlgalka.
Sidoo kale, AU waa in ay xoojiso wadahadalka Golaha Ammaanka, gaar ahaan Mareykanka, si loo hubiyo in dhaqaalaha howlgalka la sii wado. Soomaaliya, oo hadda xubno ka ah Golaha Ammaanka, waxay ka faa’iidaysan kartaa fursaddan si ay u xoojiso dadaallada lagu sugayo maalgelinta AUSSOM.
Hubanti la’aanta maalgelinta AUSSOM waxay muujineysaa caqabad weyn oo dhinaca maalgelinta howlgalada nabadda iyo amniga Afrika ah. Waxaa la joogaa xilligii Afrika ay yeelan lahayd istiraatiijiyad wax-ku-ool ah oo lagu yaraynayo ku-tiirsanaanta maalgelinta dibadda, isla markaana lagu xoojinayo doorka Midowga Afrika ee sugidda amniga qaaradda.
Warbixintan oo ku soo baxday DefenseWeb, waxaa si wada jir ah u qoray: Tamrat Zeyede (Cilmi-baare Tababar ku jira), Dawit Yohannes (Maareeye Mashruuc iyo Cilmi-baare Sare, ISS Addis Ababa), Meressa Kahsu (Cilmi-baare Sare iyo Koordhine Wacyigelin), Tsion Belay Alene (Cilmi-baare, ISS Addis Ababa), iyo Emmaculate A Liaga (Cilmi-baare, ISS Addis Ababa).