Dibad-bax maalintii 3-aad ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii 3-aad shaqo joojin ku jira Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno Hoomeyada kadib markii maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda Gaadiidka ay ku soo rogeen canshuuro dheeraad ah iyadoo ay xiran yihiin inta badan jidadka Muqdisho.

Darawad banaanbaxayo ayaa Saaka isugu imaaday Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere halkaas oo ay kusoo bandhigayaan cabashadooda ku aadan Canshuurta lagu soo rogay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa darawalada gaadiidka dadweynaha iyo kuwa bajaajta ee ka shaqeeya Muqdisho waxay dibad bax ka sameeyeen Isgoysyada Zoobe , KM4, iyo Buula Xuubey halkaasoo ay muddo saacado ah xanibeen.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda ay ku soo rogtay Cabshuur dhan 43,000 oo shilin Soomaali ah oo maalinle ah taasina aysan awoodin maadaama ay xiran yihiin jidadka Muqdisho.

Qaar ka mid ah darawalada oo saaka khadka taleefanka kula hadleen warbaahinta ayaa sheegay in bannaan baxooda uu ku saleysan yahay xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho iyo canshuuro lagu kordhiyay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya magaalada dhowr goobood lagu celiyo oo ay rakaabka ku daadiyaan, halka markii hore ay magaalada meel walba isaga kala gooshi jireen.

30kii March 2019 ayaa la joojiyey qaadista lacagahaan kadib markii la xiray jidadka Muqdisho, wuxuuna guddoomiyihii xilligaas Allaha u naxariistee Eng. Yariisow sheegay inay jidadka xirnaan doonaan muddo 3 bil ah intaasna aan wax lacag ah laga qaadi doonin.

Jidadka ayaa xiran wax ka badan 3 bil, waxaana muuqato in lasii xiray meel badan oo ka tirsan Magaalada, waxaana dib loo soo celiyey canshuurtii la qaadi jiray taaso ah midda ay ka cabanayaan darawalada Gadiidleyda Dadweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com