Mas’uuliyiin HirShabeelle ka tirsan oo lagu la’yahay doon la gadoontay

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in la la’yahay mas’uuliyiin saarnaa Doon isaga kala gooshaysay  xaafadaha ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle oo ku qalibmatay Biyaha dhexdeeda.

Mas’uuliyiinta ay doonta la rogmatay ayaa waxay wadeen qiimeyn ay ku sameenayaan baxaadda uu garsiin yahay fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne.

Doonta qalibmatay ayaa waxaa saarnaa in ka badan 20 ruux oo ay kamid ahaayeen Duqa Magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, ilaaladooda iyo dad kale.

Waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay soo badbaadeen Duqa magaalada Beledweyne Safiyo iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Dad kale ayaa isugu jiray kuwa la la’yahay iyo kuwa kale oo saaran Guryaha iyo Geedaha korkooda kuwaas oo dabaal halkaas ku tagay.

La Taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ilaaladiisa ayaa kamid ah dadka ilaa hadda la la’yahay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in haatan uu socdo dadaalo kala duwna iyo gurmad lagu soo badbaadinayo doonta ay la degtay mas’uuliyiin katirsan maamulka Hir-Shabeelle ee ka baxday Baladwyene kuna sii jeeday deegaanka Ceel-Jaale.

Warar qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jirto dhimasho ka dhalatay doonta degtay oo ay saaran yihiin in ka badan 20 ruux oo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle u badan.

Fatahaaddauu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa saameyn xooggan ku  yeeshay xaafadaha magaalada,  waxaana jira dad wali ku dhax go’doonsan biyaha dhaxdooda oo doonaya in gurmad loo fidiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Beled-Weyne
Caasimada@live.com