Dibad-bax uu hoggaaminayo CC Shakuur oo magaalada Muqdisho ka billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilowday banaanbax uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbigaha Wadajir kana mid ah midowga Musharixiinta.

Banaanbaxa uu hoggaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wuxuu kasoo bilowday jidka aada garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde.

Waxaa la filayaa in banaanbaxa uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan uu gaaro ilaa daljirka Daahsoon oo ah halkii loo asteeyey inuu Maanta ka dhaco banaanbaxa inkastoo dhammaan jidadka Muqdisho ay xireen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo la hadlayey dadka isku soo baxay ayaa sheegay in dadkii la rabay in kasoo qeyb galaan banaanbaxa laga xiray jidadka Muqdisho.

” Farmaajo iyo Fahad meesha ay rabaan waa la isla tagi doonaa, iyagaa magaaladaan ka tagi doono iyagoo duleysan, dadkana dulqaad waa muujiyeen” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo la hadlayey dadka isku soo baxay oo aad u yaraa.

Dhanka kale,  Waxaa saakay dagan xaalada magaalada Muqdisho oo xalay saqdii dhexe dagaal kooban ku dhaxmaray ciidanka dowlada iyo kuwa mucaaradka, dagaalkaas oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon oo la filayo in maanta lagu qabto banaanbaxa ay soo abaabuleen mucaaradka.

Ciidanka dowladda ayaa ku sugan taalada waxaana la xiray dhulka ka agdhow oo dhan waxaana dadweynaha loo diidayaa in ay lug kumaraan ama ay u dhawaadaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa ka barakacay dad badan oo daganaa Boondheere.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ku sugan hoteelka Naasa-hablood 2, waxaana la joogo ciidan kooban oo ilaalo u ahaa, waxaase xusid mudan in dhulka ku dhow oo dhan ay joogaan ciidanka dowladda.