Dibad-baxyo rabshada wata oo maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Dibad-baxyo ballaaran ayaa lagu soo warramayaa inay maalintii labaad ka socdaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa waxaa dhigaya wadayaasha mootooyinka Bajaajka ee ka howl-gala magaaladaasi, kuwaas oo  cabasho muujinayo.

Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxyadu ay ka dhasheen, kadib markii ciidamada Booliska Somaliland ay xir-xireen qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinkaasi, kuwaas oo aan heysan Ruqsadda ogolaanshiyaha wadista Gaadiid ee License-ka).

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay awoodin lacagta lagu jarayo License-ka, iyaga oo tilmaamay inay aad uga badan tahay dhaqaalaha ay ka helaan mootada.

Sidoo kale dibad-baxyada ayaa waxa ay saameeyeen goobaha ganacsiga Laascaanood oo xiran, iyadoona meelaha qaar laga maqlayo rasaas ay ridayaan ciidanka ammaanka.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale hakad-galay, waxaana bartamaha magaalada lagu arkayaa dhalinyarada oo gubayo taayaro iyo ciidamada Booliska oo ku sugan isgoysyada qaar, kuwaas oo isku dayaya inay kala eryaan dibad-baxayaasha

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maamulka gobolka Sool uu bilaabay dadaallo looga hortagayo rabshadahaasi, si xal looga gaaro.