Ra’iisul Wasaare Khayre oo markale la kulmay madaxda maamul goboleedyada dalka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay markale la kulmay madaxda maamul goboleedyada ee ku wada sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ahaa mid uu albaabada u xiran yahay, waxaana u dhammaa 5-ta madaxweyne dowlad goboleed ee ka jira dalka, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug oo marti loo yahay.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi uu qeyb ka ahaa kulamada hordhaca u ah shirka guud ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulamadaan oo shalay soo bilowday ayaa waxaa diirada lagu saarayaa, sidii la’isugu fahmi lahaa ajandayaasha lagu falanqeynayo shirkaas, maadaama ay weli jirto kala aragti duwanaasho u dhexeysa madaxda dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Shirka amniga qaranka ee Dhuusamareeb oo ah mid aad isha loogu hayo ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan marxlada lagu jiro ee kala guurka.

Si kastaba ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii ay kulmeen madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda qorsha ay dowladda federaalka ee ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/21.