25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Mas’uuliyiinta DF oo lagu amray in ay ka Beydhabo isaga Baxaan (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa lagu soo gaba gabeeyay Banaanbax looga soo horjeeday Hishiiska  dowlada Soomaaliya iyo Waliba Maamulka Axmed Madoobe.

Banaanbaxa oo ay kasoo qeyb galeen Siyaasiyiin, Aqoon yahano, waxgarad, Maamulka gobolka Baay, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee Bulshada , ayaa dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxay muujinayeen sida ay uga xunyihiin go’aankii kasoo baxay shirkii Adis-Ababa.

Suldaan Shariif Cali xasan, oo ka mid ahaa Waxgaradkii  dibad baxa Soo qaban qaabiyay ayaa sheegay inay si caday u diidan yihiin go’aanka dowlada iyo Maamulka Jubba iyagoo sheegay inay si cad dowlada Soomaaliya ay uga Soo horjeedaan Mar hadii ay Aqoonsatay Maamulka Axmed Madoobe.

Sidoo  kale Suldaanka Wuxuu sheegay inay Wafdi ka socday dowlada oo ku sugnaa baydhabo ay ku amrayaan inay si deg deg ah kaga baxaan magaaladaasi Beydhabo, Maadaamada Dowlada Soomaaliya iyo iyaga uu xiriirkoodu u idlaaday.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qirsheynta ayaa qeyb kahaa wafdigii maanta lagu amray inay Beydhabo isaga Baxaan Maadaama xiriirkii dowlada uu dhamaaday .

Waxaa jira dhaliilo laga Muujinayo Heshiiskii Adis-Ababa ku dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe, inkastoo ay jiraan Dadbadan oo shirkaasi si aad ah usoo dhaweeyay kuwaas oo ay qeyb ka yihiin shaqsiyaad dowlada Mucaaradsanaa oo uu ka mid yahay Cali Maxamed Geedi.

Halkaan ka dhageyso Codka Banaanbaxay iyo Amarka Salaadiinta

Halkaan ka Dhageyso Suldaan Shariif Cali Xasan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News