DFS iyo Amisom oo lagu banaan-baxay

Marka (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose dibad bax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Guddoomiyaha degmada Marka ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Cismaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada Marka maalintii labaad uu ka dhacay dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Mr. Yariisow oo hadda u muuqda nin ku kacsan dowladda ayaa sheegay  in dadka bannaan baxayay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin dowladda iyo ciidanka AMISOM ma rabno iyo ha dhacaan.

Wuxuu sheegay dadka dowladda ugu baaqeyn in maamul gobaleed loo sameeyo gobalada Shabeellooyinka isla markaana ay taageersanaayeen maamulka Shabeelle State oo xarun ka dhigtay Marka.

Dadka dibadbaxayay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ka dhan ah AMISOM iyo ciidamada dowladda, waxaana ay AMISOM ku eedeeyeen in ay xasuuq ka geesatay magaalada Marka kaddib markii ay ganaato ku garaacday guryo ay dad shacab ah ku jiraan.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Marko ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir

Nuur Maxamed Siidii in uu gobalka ka wado dagaallo lagu xasuuqayo beesha biya-maal balse uu diyaar u yahay in uu difaaco beesha uu ka soo jeedo sidda uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin dibad-baxa maalintii labaad ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeedo dowladda iyo ciidanka AMISOM.

Marka loo eego hadalka guddoomiyaha degmada Marka iyo boorarka ay wateen dadka bannaanbaxa ka qeybgalay waxaa muuqata in uu jirro olole ay wadeen mas’uuliyiinta maamulka Shabeelle State oo ku aadan in ay dadka ku kiciyaan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com