DFS oo mas’uul aan horay loo maqal u magacaabeysa safiirka Germany (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasaarada Arrimaha Dibada Somalia ay wado qorsho ay xil ugu magacaabeyso Diplumaasi lagu magacaabo Cumar Cabdulahi.

Ilo wareedku waxa uu sheegayaa in Cumar Cabdulahi loo magacaabi doono Safaarada Soomaalida ee Dalka Jarmalka, waxa ayna warar hoose sheegayaan in magacaabidiisa uu ka dambeeyo Ra’isulwasaaraha Somalia.

Shaqsigaani ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu horay uga soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii hore ee TFG-da, isagoona kadib loo magacaabay Saafarada DFS ee Dalka Indonesia oo uu Muddo haayay xilkaasi.

Dhanka kale, Magacaabista Mas’uulkaani ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa isbedelo ay Dowlada Federaalka gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibada ku sameyneyso Safaaradaha Dowladu ay ku leedahay Dalka Dibadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com