Xog: Xasan Sheikh oo dowlada France lagu dacweeyey (Yaa ka dambeeyey?)

Paris (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Faransiiska ayaa qaban qaabo ugu jirra siddii ay u dhigi lahaayeen bannaan bax looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladiisa, waxaana ay dawaco ka dhan ah Xasan Sheekh u gudbiyeen dowladda Faransiiska.

Qamar Shariif oo ka mid ah horjoogayaasha Jaaliyadda Soomaalida ee Faransiiska ayaa u sheegtay Idaacadda SKY ee magaalada Muqdisho in madaxweynaha uu doonayo siddii uu tallada dalka ugu gacan galin lahaa koox kaliya taasoo ah Dam-Jadiid.

Marwo Qamar Shariif ayaa xustay in dowladda Faransiiska ay ugud biyeen eedeemo ka dhan ah madaxweyna Xasan Sheekh oo ay tiri wuxuu ku guul darreestay in uu dalka ammaan ka dhigo.

Waxay sheegtay in qaar ka mid ah dhallinyarada madaxweyana ay isku xisbiga yihiin in ay ku jiraan kuwa aan Soomaali u dhalan kana yimid meelo kale sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay xustay in ay caddaalad darro tahay in xukunkii iyo awooddii dalka oo idil lagu koobay hal koox (Damu-Jadiid), lagana qadiyey Soomaalida kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com