2 SIYAASI oo Muqdisho lagu weeraray iyo Qanyare oo dil ka bad-baaday + DF oo taliye sare looga dilay DAGAALKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabad sugidda iyo ciidamada Xildhibaan C/Weli Maxamed Qanyare iyo kuwa Cabdi Waal.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugidda ay weerareen guryaaha Qanyare iyo Cabdi Waal oo isku dhow, kuna yaalla inta u dhexeeyso Garoonka Aadan Cadde iyo Hoteel Jasiira.

Waxaa la sheegayaa in ciidamada ay doonayeen in lasoo xiro Cabdi Waal oo mucaarad ku ah dowladda, islamarkaana uu baxsaday, balse lama yaqaan sababta loo weeraray Qanyare.

Xildhibaan Cabdi Weli Qanyare, oo goor dhow la hadlay idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay inuu ka bad baaday isku day dil iyo weerar ay kusoo qaadeen ciidamada dowladda.

Waxa ay sheegay in la doonayey in isaga la dilo, balse uu iska caabiyey ciidankii soo weeraray, waxaana uu intaas ku daray “Waa nasiib darro in dowladda Somalia ay arrintan ku kacdo”.

Taliyihii ciidamada nabad sugidda ee dagaalka hoggaaminayey oo lagumagacaabo Caydiid, ayaa lagu warramay inuu ku dhintay dagaalka, khasaarahana uu intaas ka badan yahay.

Lasoco wixii dheeri ah wararkeena dambe insha allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com