Xasan Sh. oo u hambalyeeyey Erdogan

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay Recep Tayyip Erdoğan oo ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee dalka Turkey.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri: “Waxaan u hambalyeeynayaa raysul wasaarihii Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waa doorasho taariikhi ah. Waan garaneynaa muhiimadda ay codeyntan u leedahay shacabka iyo dowladda Turkey ee aan saaxiibbada nahay”.

Wuxuu tilmaamay inuu Turkigu sanadihii la soo dhaafay xiriir wanaagsan la lahaa Soomaaliya, isla markaana uu ka taageerayay dhinacyada bini’aadannimada, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa rajo ka muujiyay inuu sii hagaago xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.

Xasan Sheekh ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee Turkey.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com