Maxkamada ciidamada qalabka sidda oo maalintii shalay xukun dil ah ku fulisay labo ka mid ah askarta ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxaa iminka ay jeediyay digniin ku wajahan seddex qeybood.
Ugu horeyn maxkamada ayaa waxay digniin u jeediyay askarta dowlada Soomaaliya ee doonaya inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah,waxaana ay sheegtay in la marsiin doono halkii ay mareen askartii shalay.
Sidoo kale gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya,wuxuu digniin u jeediyay dadka isku ekeysiinaya ciidamada dowlada Soomaaliya ee dhibaateeya dadka shacabka ah,isagoo sheegay haddii dadkaasi lasoo qabto la xukumi doono.
Liibaan Cali Yarow ,gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa ugu dambeyn sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay la shaqeeyaan ciidamada dowlada si amaanka loo xaqiijiyo.
Hadalka maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay fagaaraha iskuul Baluuziya lagu toogtay labo ka mid ahaa askarta ciidamada dowlada Soomaaliya.