Xildhibaano kashifay boob socday una sheegay Farmaajo inuusan la wareegin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa ka digay in maamulka cusub ee Dowlada Somalia uu ka caajiso baaritaan lagu sameeyo Hantida DFS ee taalla Xarunta Villa Somalia, ka hor intaysan dhicin Munaasabad Xil wareejinta.

Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga hadlay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxtooyada Somalia aysan ka badbaadi doonin faragalin uu maamulkii hore ku sameeyo Hantida Qaranka ee ku dhex jirta Madaxtooyada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inuu ka fiirsado xil wareejinta, waxa ayna cod dheer ku sheegen in Hantida lagu wareejin doono ay tahay mid aan dhameystirneen.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay walaac gaara ka qabaan in Madaxda laga tuuray talada dalka ay horay ula sii baxaan Hantida Qaranka, sidaa daraadeed loo baahan yahay in la baaro Hantida ka hor inta aan la wareejin xilka.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in si hordhac ah ay Maamulka cusub ugu ifinayaan in la qaatay qaar ka mid ah Gaadiidka iyo qalabka Milliteriga ee yaala Madaxtooyadda, balse loo baahan yahay inaan xilkaasi lala wareegin iyadoo aan la xaqiijin Hantida maqan.

Waxa ay sidoo kale, Idaacada Dalsan u sheegen in Xildhibaano iyaga kala tirsan BFS loo ballanqaaday Gaadiidka yaalla Madaxtooyada, waxa ayna cod dheer ku sheegen in Gaadiidkaasi aysan kamid noqon doonin Hantida la wareejin doono.

”Hantida la bixiyey ama la iibiyey ku jiraan Gaadiidka Gaasahaaman, kuwa aan xabadu karin iyo Hub farabadan oo lala baxay”.

Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay ugu baaqeen inuu xilka isaga dego haddii uusan wax ka qabankarin waxa ay ugu yeeren Boobka lagu hayo Hantida Qaranka, ka hor inta aan la wareejin xilka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com