32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“Diidmada MOOSHINKA, in Xasan lagu baro sharciga ayaa loogu talo galay”…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf oo kamid ah Xildhibaanada taageersan Ra’iisulwasaaraha Xukumadda Federaalka ah Somalia, ayaa ka dhawaajiyay in Mowqifkoodu yahay in Madaxweyne Xassan Sheekh wax muuqda laga baro Dastuurka dalka.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu had iyo jeer baalmaro qodobada dastuurka ee khuseeya Howlaha Xafiiskiisa.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Is hortaaga Mooshinka ay ku sameeyen uu Cashar u noqon doono Xassan Sheekh iyo Xildhibaanada taageersan waxa uuna Tilmaamay in marnaba aysan ka raali noqon doonin in qaab kale loo adeegsado Sharciga dalka.

“Marnaba uma dulqaadan doono in la baalmaro shuruucda dalka, waxan ku faraxsanahay in diidmada Mooshinka uu Cashar u noqonaayo Xassan iyo garabkiisa. waxa ay ku baran doonaan ahmiyada uu Dastuurka u leeyahay tixgalinta shaqooyinka madaxda Dowlada”

Waxa uu Cadeeyay inaysan joojin doonin ka hor imaanshaha Mooshinka, wuxuuna Xubnaha kale ugu baaqay inay u hogaansamaan sharciga dalka.

Haddalka Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo laba maalin ka hor uu shaaciyay inney hanjabaad joogta ah ay ku hayaan Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News