Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabada lagu daah furayey Xisbiga la magac baxay (Cadaalada iyo Bulshada) ee uu hormuudka ka yahay gudoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Xisbigaani ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu ka shaqeyn doono Siyaasada iyo Arrimaha Bulshada waxaana la sheegayaa inay ku mideysan yihiin Mas’uuliyiin isugu jiro Xildhibaano, Siyaasiyiin, waxgarad iyo weliba qaar kamid ah Gudoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir.
Aasaaska Xisbigaani ayaa ah mid ay leeyihiin Gudoomiyayaashii hore ee G/Banaadir iyo Tarsan, waxa uuna Ujeedkiisu yahay ka garab shaqeynta DF Somalia.
Gudoomiye Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in Xisbigaani uu wax muuqdo soo bandhigi doono, waxaana uu muujiyey kalsoonida xisbiga ee ku wajahan in uu horseedi karo isbadel muuqda.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Xisbiga Tarsan ayaa mudo soo hayey xilka gudoomiyaha gobolka iyo duqa Muqdisho waxaana dad badan ay sheegeen in mudadaasi uu hirgaliyey talaabooyin ilaa iyo iminka ay ku nacfiyaan bulshada gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

