Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaal ka tirsan golaha Shacabka DF Somalia, ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay ku xalinayaan Khilaafka Xssan iyo C/weli.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ka mid ah Mudanayaasha BF, ayaa sheegay in isaga iyo dhowr Xildhibaan, ay ku dhiiradeen inay Xal ka dhex abuuraan Madxaweynaha iyo Ra’isulwasaaraha dalka.
Waxa uu sheegay in Labada Mas’uul ay la qaateen kulan, islamarkaana ay kala hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka wuxuuna cadeeyay in arrinku uu xiligaani maraayo meel wanaagsan.
Xildhibaanka waxa uu sidoo kale, sheegay in madaxweynaha uu usoo bandhigay in la joojiyo waxa baarlamaanka ka jira, iyo in wax walba sida ugu haboon loo maro.
Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Maxamed in madaxweynaha kala hadleen sidii howlaha horyaala dowladda aanay saameyn ku yeelan khilaafka xilligaan jiri.
Dhanka kale, xildhibaan ayaa sheegay in baarlamaanka marnaba aan la keeni karin, wax aan sharci ahayn oo uu kala jeedo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]