DIIRADA: Golaha wasiirada DF oo war culus kasoo saaray ficillada ciidamada Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

Kulanka golaha wasiirada maanta ayaa looga hadlay burburka ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo shaqooyinka kale ee horyaala xukuumadda Soomaaliya.

Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo.

Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya.

Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.