Dilalka Xamar oo noqday kuwo joogto ah iyo tirada 24-kii saac ee tagay la dilay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xaalada amni ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid faraha ka baxday, iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay dad gaaraya 10 qof si macno daro ah loogu dilay magaalada.

Barqanimadii maanta ayaa kooxo ku hubeysan bastoolado ay si bareer ah ugu dhex toogteen Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan bosteejada gaadiidka laga raaco, laba wiil dhalinyaro ah oo gaadiidka bosteejada ka baxa ka qaadi jiray lacago lagu nidaamiyo gaadiidka BL.

Xiligii uu dilka dhacayay ayaa goobta ka dhawaa ciidamada amniga oo ku guuldareystay in ay gacanta ku dhigaan kooxda dilka geysatay oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale, xalay ayaa seddax dhalinyaro ah lagu dilay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, iyadoo dalka dilka koowaad uu ka dhacay xaafada Suuq Bacaad oo kooxo hubeysan ay ku dileen labo wiil dhalinyaro ah.

Falka labaad ayaa ka dhacay degmada Kaaraan, waxaana halkaasi lagu dilay darawal gaari BL ah oo wararku sheegayaan inuu dilka geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo baxsaday markii uu falka geystay.

Isla shalay ayaa bartamaha Suuqa Bakaaraha kooxo bastoolado watay ay ku dileen labo askari.

Falalka dilalka ee kusoo kordhaya Muqdisho ayaa muujineysa wax ka qabasho la’aanta amaandarada iyo xil iska saarid la’aanta, iyadoo tan iyo markii uu dhashay Ramadaanka dadka la dilay ay kor u dhaafayaan 50 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com