Dilalka qorsheysan oo kusii kordhaya MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad amni oo daran, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saartay caasimada, iyada oo kaga jawaabeyso dagaallada uga furan gobollada dalka.

24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xaafadaha magaalada Muqdisho lagu dilay illaa 5 ruux, kuwaas oo dhammaantood toogasho gaadmo ah lagu dilay.

Baar-Ubax ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Kowte Faarax Shiil iyo Cabdi Yuusuf Maxamed (Zeytuuni), kuwaas oo ka shaqeynayey baabuurta isaga kala goosha gobollada dhexe iyo Muqdisho, waxaana dilka fuliyey xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Labada nin ee lagu dilay Baar-Ubax ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado oo Al-Shabaab beesha degto muddooyinkii u dambeeyey ay ku heysay beegsi gaar ah.

Sidoo kale waxaa xalay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir isna lagu dilay Nabadoon Xasan Cali Aybakar oo ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee magaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa bistoolado, xilli uu ku sugnaa Farmashiye ku yaalla agagaarka halka loo yaqaano Sii Sii.

Dhacdooyinka kale waxaa ka mid ah dilal qorsheysan oo shalay ka kala dhacay degmooyinka Dayniile iyo Dharkenley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Dilka ka dhacay degmada Dayniile ayaa waxaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabi jiray General Cabdullahi Xuseen Warsame (Waran), halka degmada Dharkenley lagu dilay  Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Dhammaan kooxihii ka dambeeyey dilalkan ayaa goobta isaga baxsaday, mana jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay maalin kahor soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan tahay Muqdisho.