Waalidiinta askarta Eritrea ku maqan oo shaaciyey xog ay la wadaageen wiilashooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababr ay ugu qaaday dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli rejo ka qaba in dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay dalka dib ugu soo celiso.

Mid kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin Eritrea oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay inay rejaynayso in dib ula kulanto wiilkeeda oo sanado badan tababar ugu maqan dalkaas, balse mar ay dhowaan la hadashay aanu u sheegin in lasoo celinayo dhowaan.

“Markii u horeysay ee uu baxay Eritrea la geyna nalama dhihin, waxbarasho Qatar ah ayaa naloo sheegay. Waan naxay markii lagu murmayay inay Eritrea jiraan, markii dambe hal sano iyo toddoba bil isaga oo maqan ayaa aqbaar ka helay,” ayey tiri Hooyadaan oo kamid ah Waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashooda.

“Asbuucii hore Talaadada ayuu isoo wacay oo dhib ma sheegin, tababarka mar hore ayuu noo dhamaaday ayuu i dhahay, waqti ay soo baxayaan ma ii sheegin laakiin rejo Ilaahay ayaa ka leenahay.”

Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda kasoo laabtay magaalada Asmara ee caasimada Eritrea in wiilashaas maqan ee wiilkeedu ku jiro uu dib ugu soo celiyo dalka.

“Madaxweynaha waxaa ka codsan laheyn in si deg deg ah inoogu keeno Ilmaheena, waa u xiisnay Ilmaheena oo aad iyo aad ayaa u rabna, inaga oo nabad qabna in aan aragno koley waqtiga uu qofka bini’aadamka uu noolaanayo Allahu-aclam.”

Waxay sii raacisay hadalkeeda “Wax ma ka qabi in (Wiilkeygu) wadankiisa u shaqeeyo oo difaacdo waa rajeynaya, in asaga isbedelo ma ogiye aniga dhib kuma qabo.”

Dhalinyaradaan oo dalka Eritrea tababar ugu maqan mudo ku dhow afar sano, ayaa waxaa shalay soo kormeeray xeryaha ay ku jiraan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kahor inta aanu kasoo laabay Asmara.

Waa markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu dhalinyaradaan ku booqdo xeryaha lagu tababaro, waxaana socda qorshe la doonayo in ciidankaan dalka loogu soo celiyo oo dowladda Soomaaliya ay wado, laakiin ilaa hadda dowladdu ma shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ciidankaan dalka lagu soo celinayo.