Shabaab oo maanta dib ula wareegay degaanka Wabxo iyo wararkii ugu dambeeyey

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Baxdo, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka.

Al-Shabaab ayaanan iska caabin ah G/le Ismaaciil Cabdimaalik , waxayna dib ugu laabteen fariisimihii ay horey ugu sugnaayeen, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gaaf wareegayaan deegaanka, islamarkaana ay difaacyo ka sameysteen halkaasi.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xalay ka soo baxeen deegaanka, saaka wabarigiina ay soo galeen xoogaga Al-Shabaab.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada dowladda, balse taliyihii hore ee ciidanka Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa sheegay in marka looga soo baxay deegaanka uu bixiyey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gaashanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in uu jiro qalad ka yimid dhanka taliska ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna sheegay in taasi ay fursad siineyso kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa dib u dhigeysa qorshihii ahaa in horey loo sii wado howlgallada ka socdo Galgaduud oo ujeedkooda u ahaa in lagu gaaro illaa degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.