Saddex arrin oo sababay isu soo dhowaashaha dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labadaan dowladood oo sidoo kale ah kuwa daris ah.

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sahal oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka hadlay xiriirka labada dowladood iyo isku dhowaashaha ay sameeyeeen maalmihii lasoo dhaafay.

Sahal oo u warramay Universal TV oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Ethiopia ay isaga xiran yihiin dano dhowr ah, ayna ku qasban yihiin inay iskala shaqeeyaan.

“Marka laga hadlayo xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Ethiopia waa wax ku saleysan dowlad kasta danteeda iyo siyaasaddeeda arrimaha gudaha iyo dibadda. Labadaan dal waa daris oo runtii waxyaallo fara badan ay ka dhexeyn karaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Sidoo kale wuxuu isku dhowaashaha ay haatan sameeyeen u sababeeyey saddex arrimood oo uu sheegay inay xudun u yihiin hana qaadka labada dowladood Soomaaliya & Ethiopia.

“Isbeddalka jiraa wuxuu yahay waa saddex arrin mid waxaa weeyaan Ethiopia oo hadda runtii kasoo kabaneyso dagaalladii socday laga soo laabo 2020-kii illaa hadda. Mida labaad Soomaaliya lafteeda oo guul laga gaaray doorashadii May dhacday oo iyadana isbeddal uu ka dhacay keentayna xasilooni siyaasadeed. Midda saddexaadna ay tahay Al-Shabaab oo soo xoogeystay oo bishii July ee lasoo dhaafay isku dayey in ay Ethiopia galaan oo dhulka Soomaalida ay ka galaan dagaallo ba’an” ayuu markale yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in arrimahan oo dhan ay keeneen in bog cusub ay furaaan xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa, si ay uga wada shaqeeyaan danahooda.

“Saddexda arrin marka la fiiriyo waxa ay keenayaan in Page cusub la furo oo la’iska kaashado arrinta ku saabsan siyaadda iyo faragelinta arrin mar kasta la xiriira Soomaaliya waayey wax ku xiran Ethiopia ma ahan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey aqoonyahay Sahal.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu wanaagsan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana ugu muhiimsan oo ay labada dal ay iska kaashanayaan ammaanka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, ayada oo arrintaasna ay heshiis ku kala saxiixdeen hay’adaha sirdoonka ee labada dowladood oo maalmo kahor wadahadallo ku yeeshay caasimadda dalka Ethiopia.