Tarsan oo raali-gelin siiyey madaxweyne Saciid Deni iyo beesha Cismaan Maxamuud

Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka hadlay muuqaal laga duubay oo ku baahay baraha bulshada, kaas oo uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ka dhan ah Beesha Cismaan Maxamuud.

Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Beeshaas ay tahay Jareer, islamarkaana laga keenay Zanzibaar, isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweyne Deni, sida uu ku yiri codkiisa oo laga maqlayo muuqaalka laga duubay oo uu qof kale wareysanayo.

“Cismaanka Maxamuud oo dhan wada jareer weeye Zanzibarbaa laga keenay waa run war Deni arag,” ayuu ku yiri muuqaalka laga duubay Tarsan.

Tarsan oo qoraal soo saaray ayaa markale ka hadlay arrintan, wuxuuna qiray in hadalkaas uu yiri, kaas oo ay dhibsatay Beesha Cismaan Maxamuud.

“Aniga oo ah Danjire Maxamuud Axmed Nuur, waxaan si buuxda raalli gelin uga bixinayaa hadalka baraha bulshada la wareejinayo oo ah mid aan anigu iri” ayuu yiri Tarsan

Sidoo kale wuxuu raalli-gelin buuxda siiyey madaxweyne Saciid Deni, Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo guud ahaan Beesha Cismaan Maxamuud oo uu ka raalli-geliyey hadalkaasi.

“Qof kasta oo dhibsan kara ayaan si niyad ah uga raalli gelinayaa gaar ahaan Beesha Cusmaan Maxamuud, Boqor Burhaan iyo Madaxweyne Siciid Deni,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa si weyn u baahay, waxaana ka falceliyey dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood sheegay inay arrintan u arkaan inay tahay mid kaftan ah, balse waxaa haatan ka jawaabay Danjire Tarsan oo soo afjaray dooddii ka dhalatay hadalkiisa kadib raalli-gelinta uu haatan bixiyey.