Mucaaridka Somaliland oo qarka u saaran inay maamul cusub ku dhowaaqaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaanka xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Wadani ayaa waxaa saacadihii u dambeeyay u socday kulamadoodii ugu dambeeyay ee ay ku cadeynayeen mowqifkooda ku aadan muddo xileedka dhamaaday ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo saacada badan qaatay ayaa lagu wadaa inay maanta ku shaaciyaan go’aamo cusub, xili ay dibadbaxyadii saaka u baajiyeen saacado kooban dalab uga yimid Suldaanka guud ee Somaliland.

Labada xisbi oo la filayay in saaka subaxdii ay warbaahinta kula hadlaan magaalada Hargeysa ayaa waxaa shirkoodii jiraa’id ku yimid dib u dhac, maadama ay weli socdaan wada-hadalada hoggaanka labada xisbi ee ku aadan xiisada taagan.

Madaxda xisbiyada ayaa sidoo kale la filayaa inay kulama la qaatan xubna ka socda beesha caalamka iyo saaxibada taageera hanaanka dimuqoraadiyadda Somaliland, oo xiisada taagan darteed u tagaya caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Mucaaridka ayaa horay ugu dhawaaqay inaysan aqbaleyn in waqti dheeri ah uu xafiiska sii joogo madaxweyne Muuse Biixi, waxaana lagu soo waramayaa inay sareyso suurta-galnimada inay maamul gooni ah ku dhawaaqaan.

Sidoo kale waxaa qaybo kamid ah Somaliland ka socda abaabulka isku soo baxyo ay sameynayaan dadweynaha taageersan mucaaridka, oo iyagu kasoo horjeeda muddo kordhin laba sano ah oo dhawaan Golaha Guurtida u sameeyeen Muuse Biixi.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 November ayaa waxaa gebi ahaanba ku eg muddo xileedka shanta sano ah ee dastuurka Somaliland u ogolaanayo in uu Muuse Biixi sii joogo xafiiska.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi ayaa illaa xalay waday isku-dayo uu ku rabo in uu ku dajiyo xiisada ka taagan muddo xileedkiisa dhamaaday, islamarkaana uu ku baajiyo dibadbaxyada ay mucaaridka qorsheeyeen.

Hase yeeshe isku-deyga Muuse Biixi ayaa waxaa ku gacan seyray mucaaridka oo iyagu ku doodaya in Biixi uu hore waxba uga maqli waayay ergo dhowr ah oo isku xilqaamtay wax ka qabashada xiisada siyaasadeed ee taagan.

Si kastaba, Saacidihii u dambeeyay ayaa waxaa deegaanada Somaliland ka taagneyd xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed ah, ayada oo laga cabsi qabo in xiisada taagan ay isku badasho rabshado hor leh oo u dhaxeeya mucaaridka iyo xukuumadda uu hogaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.