Dilka madaxweynihii Haiti oo lugaha la galay saraakiil Mareykan ah (Xog cusub)

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Laba nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Mareykan – oo mid ka mid ah uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Port-au-Prince – ayaa loo xiray dilka madaxweynihii dalka Haiti Jovel Moise.

Mathias Pierre, oo ah wasiirka doorashooyinka Haiti, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in mid ka mid ah raggaas lagu magacaabo James Solages.

Labada nine e Mareykanka ah ayaa la sheegay inay asal ahaan kasoo jeedaan Haiti, waxayna ka mid yihiin lix qof oo loo xiray dilka madaxweyne Moise oo aroortii Arbacada ka dhacay gurigiisa gaarka ah. 

Toddoba tuhmane oo kale ayaa lagu dilay is-rasaaseyn dhex-martay booliska, sida uu sheegay Agaasimaha Booliska Qaranka Haiti, Léon Charles. 

Peirre ma bixin xog dheeri ah oo ku saabsan James Solages iyo magaca muwaadinka labaad ee Mareykanka ah. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka war heyso wararka ku saabsan in muwaadiniin Mareykan ah loo xiray dilka Moise, balse aysan xaqiijin karin.

Solages ayaa isku sheegay inuu yahay “wakil diblomaasiyeed oo diiwaan-gashan,” iyo inuu maamulo hay’ad u ololeysa caruurta oo 2019-kii uu ku aas-aasay gobolka Florida ee dalka Mareykanka. 

Website-ka hay’addiisa ayaa waxaa ku qoran in Solages uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Haiti. Safaaradda Canada weli kama hadlin arrintan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labada nin ee Mareykanka ah Khamiistii laga helay ayaga oo ku dhuumanaya howd ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.

Ra’iisul Wasaaraha ku-meel gaarka ah ee Haiti Claude Joseph ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Saraakiisha illaa iyo hadda ma sheegin sababta loo maleynayo inay dhiiri-gelisay dilka madaxweyne Moise.

Dhinaca kale, garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha.

Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay.

Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin.

Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday.

Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay.