Diyaarad ka tagtay Muqdisho oo caawa ku xaniban garoonka Wajeer iyo mas’uuliyiin saaran

Wajeer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya garoonka Wajeer ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay caawa ku xaniban tahay diyaarad ka kacday magaalada Muqdisho oo ku sii jeedda Nairobi.

Diyaaradda African oo galabta ka baxday Muqdisho ayaa garoonka Wajeer lagu xanibay kadib markii la sheegay inay ku daahday Garoonka Wajeer intii baaritaanka lagu hayay.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradda ayaa waxaa saaran rakaab ku dhow boqol ruux oo ay ku jiraan wasiiru dowle ka tirsan xukuumadda, labo Xildhibaano oo ka tirsan baarlamaanka iyo rag dowlada ka tirsan.

Diyaaradda ayaa markii baaritaanka uu u dhammaaday, waxaa lagu wargeliyay in aanay xilli habeen ka duuli karin Garoonka Wajeer oo aanan la ogoleyn in Garoonkaas xilli habeen diyaarad ka kacdo, sidaas uu duulimaadkooda Nairobi uu dib ugu dhacay maalinta berri.

Illaa iyo hadda ma cadda in sharcigaas yahay mid garoonka Wajeer u degan iyo in diyaaraddan Soomaaliya ka timid kaliya sidaas lagu sameeyey, maadaama labada dal xiisad ka dhaxeyso. Waxaan sidoo kale caddeyn in diyaaradda ay ayada sabab u ahayd daaha iyo in baaritaanka Kenyan-ka oo dheeraaday uu sababay daaha.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com