DIYAARAD kusoo dhacday duleedka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad yar ay ku dhacday duleedka degmada Afgooye.

Afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose, ayaa xaqiijiyay in diyaarada oo aheyd nooca yar yar ku dhacday deegaan 6 km u jira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Faahfaahin dheeri ah kama uusan bixin nooca diyaarada iyo halka laga leeyahay.

Wuxuu sheegay in xubnaha maamulka gobolka ay gaareen deegaanada ay diyaarada ku dhacday halkaasina ay ka wadaan baaritaan dheeri ah.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com