XILDHIBAAN Xasan Abshir Faarax oo is-casilay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow xarunta Baarlamaanka Somalia laga shaaciyay in Xildhibaan Xasan Abshir Faarax uu iska casilay xubinimadiisii Baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa iska casilay xubinimadiisii waxa uuna xarunta ka dhex sheegay in xiligaani iyo wixii ka danbeeya xilkiisa uu ku shaqeyn doono wiil uu isaga dhalay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta uu isku casilay islamarkaana uu wiilkiisa ugu wareejiyay xubintii uu kaga jiray Baarlamaanka ay tahay caafimaad xumi soo wajahday.

Xilka uu iska casilay ayaa waxaa kusii shaqeyn doona Abshir Xasan Abshir Faarax oo ah wiilka uu dhalay Xildhibaanka kaasi oo isla maanta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xasan Abshir ayaa Dowladihii KMG ahaa kasoo qabtay xilal kala duwan waxa uuna iminka u muuqdaa inay kadaba timid da’da, sidaana uu wiilkiisa ugu wareejiyay xilka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com