Dhageyso: Gudoomiyahii baarlamanka Puntland oo kashifay sababta uu iska casilay iyo sir culus

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Garoowe (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Barlamanka maamulka Puntland Siciid Xasan Shire oo saaka ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, sidoo kalena uu banneeyay xubinimadii Baarlamaanka ayaa ka hadlay sababaha uu xilka isaga casilay iyo xaaladda ku wareegsan arrintan:

1 – Inay mooshin sharci darro ah ka keeneen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Putnland, mooshinkaas ayuu sheegay inay ka danbeeyeen madaxda Puntland. Mooshinka ayuu sheegay inuu sharci darro yahay oo aan marna loo soo marin qaabkii sharciga ahayd.

2 – Ciidamado Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la wareegay xaruntii Baarlamanka Puntland, Ciidamada Baaralmaanka qabsaday ayuu sheegay inay amarka siiyeen Madaxweyne C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey oo uu fuliyay Wasiirka Amniga Puntland.

3 – Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Saciid Xasan Shire ee is casilay ayaa saxaafadda ugu sheegay Magaalada Garowe, in arrinta difaacaa lacagta Faalsada ah ee Puntland sameysay ay ku eedeysan yihiin dhammaan xildhibaanada Puntland, balse aanu shakhsi ahaan ku lug kulahayn kana soo horjeeday, laakiinse ahayd mid dowladdu u arkaysay in lagu kabo dhaqaalaha, taasna ugu turay dalka iyo dadka.

4 – Wuxuu guddoomiye Saciid kashifay in shakhsiyaad ay keensadeen dalka isla markaana daabaceen lacagtaasi, kuwaasi oo ku sugan gudaha Puntland. Gudoomiyaha ayaa sheegay inuusan ku xadgudbin awoodda golaha Barlamanka, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid dana shakhsiyeed laga leeyahay.

Xiisada cusub ee Baaralmaaanka Puntland ka dhex oogan ee keentay in si degdeg uu xilka isaga casilo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa timid iyadoo la sheegay inuu xiriir ka dhaxeeyay madaxweynaha Puntland io Guddoomiyaha is casilay.

DHAGEYSO CODKA SACIID XASAN SHIRE