CADDEYN: Odawaa oo amar adag dul-dhigay Xasan Maxamed Muungaab iyo Ku-xigeenadiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen ”Odawaa” ayaa maanta soo saaray warqad lagu amraayo Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Warqada ayaa waxaa Muungaab iyo ku-xigeenada aan wali xilka laga qaadin lagu faray inay hakiyaan Howlaha Maamulka ilaa iyo amar danbe.

Wasiirka waxa uu qoraalkiisa ku xusay in dhamaan shaqaalaha dowlada hoose aysan sameynkarin wax dhaqdhaqaaq ah ilaa laga sameeyo isla xisaabtan.

Wasiirka waxa uu sheegay ilaa xilka uu la wareego Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ay si KMG ah hakat ugu sii jiri doonto howsha maamulka.
Wareegto