DF oo doorashada dalka la kaashaneysa dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan booqasho qaadatay todobaad ku tageen dalka Tanzania xubnaha ka tirsan Guddiga doorashooyina madaxabanaan ee Somalia kuwaasi oo ka qeybqaadanaayay ilaalinta qaabka codka loo bixinaayo ee doorashadii ka dhacday dalkaasi Tanzania.

Guddiga ayaa indha indheynta doorashooyinkaasi ka dib halkaasi lagu siiyay tababaro muddo gaaban ah, waxa ayna Dowlada Tanzania ka dalbadeen inay ka qeybqaatan doorashada dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Xaliimo Ismacil Ibrahim oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Somalia, ayaa sheegtay in doorashada Tanzania ay waxbadan kasoo barteen islamarkaana ay ku marti qaadi doonaan goortooda doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia si ay ula wadaagan.

Waxa ay sheegtay in waxyaabaha ay ka soo faa’ideen ay ugu horeyso habka la isugu dubarido doorashooyinak, loo diyaariyo dadka codeynaya, qaabka loo shaaciyo natiijada doorashada, agabka lagu qabto doorashada ee loo adeegsado codbixinta iyo kuwo kale oo muhiim u ah doorashooyinka.

Waxa ay intaa ku dartay in kulamo ay la qaateen Guddiga doorashooyinka dalka Tanzania ay kaga dalbadeen inay ku caawiyaan doorashada ka dhici doonto Somalia.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili gudiga uu ku howlan yahay hirgalinta doorasho cadaalad ah oo ka dhacda dalka, inkastoo gudigu lagu dhaliilay inuu yahay gaari dhinac u raran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com