Sawirro: Arrin yaab leh oo ka dhacday gobolka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Alie carter oo ah Haweeney kasoo jeeda Gobolka Indiana ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa toogasho ku dilay mid kamid ah Eeyihii ay xanaaneyneysay xili ay ku howlaneyd ugaarsiga xeywaano kale.

Eeygaani toogtay Haweeneydaasi ayaa waxaa lagu magacaaba Trigger oo markii la macneeyo u dhigma riishadda qoriga waxa uuna Eeygu gacanta la galay halkii laga ridaayay qoriga isaga oona sidaa ku toogtay haweeneydaasi.

Rasaastii ku dhacday Haweeneydaasi ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac la sheegay in iminka ay ka bogsaneyso.

Haweeneydani ayaa la sheegaya in xiliga ay ku guda jirtay ugaarsiga ay dhulka dhigatay qorigii ay ku fulineysay ugaarsiga waxaana sidaa ku qabsaday Eeygii oo sidaa toogashada ku fuliyay.

Mid kamid ah dhakhaatiirtii daweyneysay Alie carter oo aheyd Haweeneydii ay xabadu ku fakatay ayaa yiri “Allie waxay ahayd qof nasiib badan, xabadda ayaa kaga dhacday lugta bidixda, dib ayaana looga soo saaray isbitaalka.”

Arrintaani ayaa layaab ku noqotay dadka kasoo jeeda Gobolka Indiana ee dalka Mareykanka waxa ayna kamid noqoneysaa dhacdooyinka ugu yaabka badan ee aduunka ka dhaca.
dog
shotgun2-670x388
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com