XILDHIBAAN BFS ka tirsan oo SIR culus kashifay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdalle Boos Axmed oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa runta ka sheegay in dowlada Soomaaliya aysan dooneyn midnimada Ummada Soomaaliyeed, balse ay fulineyso danaha reer galbeedka.

Xildhibaanka oo ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan daacad ka aheyn midnimada ummada Soomaaliyeed, isagoo u sababeeyay iney ka shaqeyneyso kala fogeynta dadweynaha Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in xubnaha beesha caalamka dhankooda ay wadaan sii kala geynta Soomaalida, wuxuuna tusaalo usoo qaatay sameynta maamul goboleedyada oo ah kuwo mid kasta uu leeyahay awood gaar ahaaneed.

“Wax Soomaalinimo iyo midnimo ka shaqeynaya maba joogaan halkaan, muddo 20 sano ah ayaan dhibaato ku jirtaa, ilaa iyo hadda ma heyno cid ay daacad ka tahay midnimada Soomaalida, dowlada ha noqoto, xukuumad ka noqoto iyo baarlamaan ha noqotee, wax midnimo ka shaqeynayana ma jiraan, Ajnabi ayaana qeyb ka ah kala qeybinta Soomaalida”ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu xildhibaan Cabdalle Boos uu sheegay inaan siyaasada si buuxda looga qeyb galin dadka kasoo jeeda deegaanada Somaliland, taasi oo qasabtay iney maalmo ka hor magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com