Xiisad ka dhalatay Iscasilaada gudoomiye Saciid Shire oo Garowe ka taagan iyo xog sheegaysa…

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee Puntland ayaa sheegay in xiisad ka taagan tahay magaalada Garowe kadib markii uu iscasilay gudoomiyihii baarlamaanka maamulka Puntland, Saciid Shire.

Arinta ayaa ka dambeysay markii ciidamo ka amar qaata madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ay la wareegeen dhismaha baarlamaanka maamulka Puntland, waxaana la ogeyn sababta arintaasi ka dambeysay.

Gudoomiye Saciid Shire, ayaa sheegay in ciidamada la wareegay baarlamaanka Puntland ay ahaayeen kuwo uu soo amray madaxweyne ku xigeenka Puntland, isaga uusan sameyn wax dhaqdhaqaaq ciidan ah.

Magaalada ayaa waxaa ka taagan xiisada u dhaxeyso gudoomiyihii baarlamaanka Saciid Shire iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in Saciid Shire ay ku qasabtay inuu iscasilo maanta kadib qilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha Puntland C/welli Maxamed Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com