Xildhibaannada oo aqbalay is-casilaadda SACIID

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa aqbalay iscasilaadi waberigii saaka uu ku dhawaaqay gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Saciid Cali Shire, kadib kulan xildhibaanada ay yeesheen.

Kulanka maanta oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland waxay cod gacan taag ah ku aqbaleen iscasilaadii uu ku dhawaaqay Saciid Cali Shire.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland C/Xamiid C/salaan, ayaa sheegay in kulanka oo ay xaadireen 51 xildhibaan islamarkaana 47 kamid ah aqbaleen iscasilaada gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.

Labo xildhibaan ayaa diiday labo kanala wey ka aamuseen, sida uu sheegay xildhibaan Shaacuur oo kamid ah golaha wakiilada maamulka Puntland.

Gudoomiyihii baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iscasilay, waxaana ka horeysay iscasilaadiisa mooshin isaga ka dhan ah oo 40 xildhibaan ay ka gudbiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com