Gudoomiyaha barlamanka Puntland oo iscasilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah isku casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Puntland Siciid Xasan Shire.

Gudoomiyaha oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in xiligaani wixii ka danbeeya uusan aheyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Waxa uu sheegay inaanu jirin cid ku cadaadisay is casilaada ama uu caqabad kala kulmay Maamulka balse uu maankiisa ka maagay.

Is casilaada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa timid kadib markii 40 Muddane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa mooshin ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan kuwaa oo Mooshinkooda u gudbiyay gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay ayaa Gudoomiyaha kusoo eedeeyay dhowr qodob oo ay kamid yihiin:-

1-In uu gudan waayey shaqadiisa.

2-Musuq-maasuq qarsoodi ah oo cadeymo loo helay

3-In gudoomiyaha uu baajiyey shaqooyin muhiim u ahaa Baarlamaanka.

4-In uu si gaar ah u isticmaalay awooda golaha islamarkaana uu jabiyay xeer hoosaadka.

5-Inuu ku fashilmay Howlihii guud ee Baarlamaanka.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha Puntland uu shalay dib uga laabta Garoowe kuna noqday Gaalkacyo maalmo ka horna la furay Kalfadhiga 36-aad ee Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com