Xeer Ilaalinta qaran oo ku dhegan Muungaab iyo fariin loo diray hanti dhowrka qaranka (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqtaar Nuur Abuukar oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa ka hadlay la xisaabtan lagu sameeyo gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Muqtaar Nuur, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya loo baahan yahay iney la xisaabtan dhab ah ku sameyso shaqsi walbaa oo xilka laga qaado, maadaama ay jiraan sababaha masuul xil hayo xilka looga qaado.

Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in gudoomiyihii gobolka Banaadir ay jiraan cabashooyin badan oo kaga imaanayaan dadweynaha magaalada Muqdisho iyo eedeymo loo jeedinayay oo ahaa in musuq uu sameeyay muddadii uu xilka hayay.

 

“Dhibaatada waxay tahay xilkaa lagaa qaaday ee iska bax maahan, waxaa wanaagsan in la xisaabtan lala sameeyo Muungaab oo cabashooyin badan laga gudbiyay  iyo musuq maasuqa uu sameeyay intii uu xilka hayay”ayuu yiri Muqtaar Nuur.

Ugu dambeyn Muqtaar ayaa fariin u diray masuuliyiinta Handhowrka qaranka Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay iney la xisaabtan dhab ah la sameeyaan Muungaab, maadaama eedeymo badan loo jeediyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com