DOKUMENTI: Gabar uu Faarax C/Qaadir adeer u yahay oo fadeexad ka dhex abuurtay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xafiiska hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa ku eedeeyey ku-xigeenka hanti dhowrka guud ee qaranka Faadumo Maye Maxamuud anshax xumo iyo inay ka been sheegtay shahaadooyinka ay la timid markii la magacaabayey.

Gabadhan oo uu adeer u yahay xildhibaan Faarax Cabdulqaadir ayaa qoraal ka soo baxay xafiiska hanti dhowrka oo ay si gaar ah u heshay Caasimada Online lagu sheegay in Faadumo ay shahadooyinkeeda aysan gaarsiisneyn heer Jaamacadeed, sida ku xusan qoraalka ka soo baxay guddiga shaqaalaha rayidka ah.

Waxaa kaloo lagu eedeeyey faadumo iney xad gudubyo kula kacday qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska ka howlgala taasina ay ka baxsan tahay shaqada qaranka.

Waxaa la yaab leh, in madaxweynaha Soomaaliya uu arrintan fadeexadda ah lugaha lasoo galay. Faadumo ayaa markii lasoo ceyriyey u tagtay xafiiska madaxweynaha Somalia ayna ka soo qaadatay qoraal loogu magacaabayo ku-xigeenka  hanti dhowrka guud ee qaranka, iyadoo markeedii hore ka been sheegtay darajada ay ka gaartay waxbarashada.

Hantidhowrka qaranka ayaa lagu warramayaa inuu si aad ah uga carrooday tallaabada ka baxsan anshaxa dowladnimo ee madaxweynaha uu ku kacay.

Musuqmaasuqa baahay iyo ku tagri falka awoodaha dowladda ayaa hadda maraya meel aad u xun. Waxaa dhammaan shaqaalaha guddiga qaranka ay aad ula yaabeen in qof aay shaqada uga eryeen anshax xumo haddana loo soo magacaabo in aay tahay ku xigeenka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka. Waa arrin ugub ku ah Soomaaliya.

Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo aay la xiriirtay Caasimada Online ayaa aad uga carooday markaan wax ka weydiinay sida ay wax u dhaceen, waxaa uuna wariyihii wacay uu ugu goodiyay in uu xabsiga dhigi doono haddii uu mar kale soo waco ama wax ka yiraahdo arrintan.

Dhammaan dokumentiyadii la is dhaafsaday ee kiiskan ku lugta leh, sida warqaddii anshax xumada ku eedeysay Faadumo, tii shaqada looga eryey, iyo tii uu Xasan Sheekh ugu magacaabay ku-xigeenka hanti-dhowrka hoos ka aqriso.

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/10/FaaraxCorruption.pdf”]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com