Labada weji ee Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ah nin u dhashay Soomaalida Itoobiya, wuxuuna markiisii hore xeer ilaaliye ka ahaan jiray dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee kilinka shanaad. Wuxuu markii dambe sponsorship ku tagay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka noqday taraag driver.

Faarax Cabdulqaadir walaalkiis oo dalaal siyaasadeed iyo mid ganacsi u ah dowladda Xasan Shiikh ayaa waxaa ku xiray niman ay isla joogeen gobolka Arizona, waxaana sidaas looga dhammeeyey Xasan Shiikh inuu ku beddelo nin qareen ahaa oo ay iska hor yimaaddeen Faarax Cabdulqaadir intii uu joogay Wasaaradda Caddaaladda. Xasan Shiikh iyo kooxda Damuljadiid ayaa mar walba waxay iyagu jecel yihiin dad u dhego nugul oo aan war ku soo celin.

Axmed Cali Daahir oo haysta shahaado bokolaariyoos ah ayaa wuxuu magaciisa ku ho qoraa ‘Dr’ si uu isugu muujiyo inuu yahay nin tacliin sare leh, hase yeeshee marka aad dhegeysato khudbadihiisa iyo warqadaha uu qoro ayaad ogaanaysaa inuusan ahayn nin wax aqoon ah u leh shaqada uu hayo, iskaba dhaaf arrimo sharci la xiriira.

Waxaa dadku la yaabeen markuu shir jaraa’id la qabtay Muungaab oo uu cambaareeyey Wasaaradda Amniga isagoon waxba kala socon arrinta la isku haysto. Markii la weydiiyey wuxuu ku jawaabay “waddada Ayaan marayey waan isaga soo leexday meesha”.

Waxaa intaas dheer inuu Axmed Cali Daahir leeyahay laba weji. Wejiga koowaad waa kan uu tuso dadweynaha oo ah inuu yahay nin ka hor imaan kara madaxda dowladda. Wejiga labaad ayaa ah inuu ku dhex jiro musuqmaasuq iyo tumasho, isla markaana aad arkeyso isagoo kaaga horeeya safka hore ee salaadda.

Wuxuu si joogto ah ugu nacamleeyaa Xasan Shiikh iyo xerta ku hareereysan, isagoo ka mid ahaa kooxihii durbaannada ka garaacayey madaxtooyada xilligii uu socday mooshinka ka dhanka ah Xasan Shiikh.

Waxaa marar badan la arkay Axmed Cali Daahir oo ku doodaya inuusan mooshinku sharci ahayn, waa yaabe Axmed Cali Daahir isagu maxay tahay shaqadiisa? maxaa ka galay arrimo mooshin, xilka uu hayo ma xil siyaasadeed baa, mise waa xil maamul, maxaa geeyey shirarka iyo goleyaasha siyaasadda, maxaa geeyey meelaha lagu dhisayo maamul goboleedyada iyo federaalka, maxay tahay shaqada Axmed Cali Daahir?

W/Q: Cabdi Gaafane

cabdi.gaafane@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com