Xiisad cusub: Xildhibaano mooshin ka gudbiyey gudoomiyaha baarlamanka Puntland + Caddeyn

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano kor u dhaafaya 40 ayaa saxiixey mooshin ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Mooshinkaan oo loo gudbiyey guddoomiye ku-xigeenka Barlalamanka ayaa waxaa la filayaa in ka doodistiisa iyo cod u qaadistiisa maanta u gudbaan xildhibaanada Barlamanka Puntland.

Talabadaan ayaa ku soo beegmeysa labo maalmood kadib markii uu furmey kalfadhiga 36aad ee Barlamanka Puntland kaasoo uu hareeyey muran ku saleysan waxqabad la’aanta xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalintii labaad ee kalfadhiga Barlamanka 26 October,2015 waxaa su’aalo adag ku waydiiyey xildhibaano kuwasoo wax ka hadley lacago faalso ah oo xukuumadiisa daabacdey, mushahar la’aanta jirta, jariifka lagu hayo xeebaha iyo arrimo fara badan.

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa eedymahaas intooda badan beeniyey iyadoo xildhbaanada intooda badan ku eedeeyeen guddoomiyaha Baarlamanka inuu difaacey madaxweynaha Puntland.

Guddoomiyaha barlamanka ayaa xildhibaano farabadan u geeyey madaxweynaha Puntland habeenimadii ka horeysay su’aalaha iyadoo la rumeysan yahay in lagu qancinayey xubnahaas iney khafiifiyaan eedeymaha loo jeedanayo Mudane Gaas.

Dhinaca kale wararka kasoo baxaya mooshinkaan ayaa sheegaya iney dabada ka riixayaan oo ay ku mideysan yihiin xildhibanaada mucaaradka ku ahaa xukuumada madaxweynaha Puntland.

mooshin punt 1mooshin punt 2mooshin punt 3