Xog: MUUNGAAB oo billaabay arrin shaqaalaha gobolka Banaadir dareen yaab leh ku abuurtay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, ayaa billaabay inuu kulamo kala duwan la qaato Gudoomiye ku-xigeenadiisa, Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Xubnaha kale ee Maamulka xilalka ka haya.

Kulanka ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haysa dardaaran iyo sagootin, waxa uuna badankooda usoo bandhigay inay gutaan waajibaadkooda oo aysan dhan ka noqon Siyaasadaha isdiidan ee iminka ka taagan dalka.

Waxa uu u sheegay inay jiraan arrimo yar yar oo ku saabsan xil ka qaadistiisa, balse loo baahan yahay inay si hufan u gutaan shaqooyinkooda.

Waxa uu ku wargaliyay inay suurto gal tahay in qaarkood laga qaado xilalka ay hayaan, sidoo kalane ay dhici karto in qaar loo daayo xilalkooda, balse muhiimada ugu weyn ay tahay inay kasoo dhalaalan howlahooda.

Dhanka kale, Muungaab ayaa lagu wadaa inuu kulamo ceynkaasi ah la qaato shaqaalaha kale ee uusan wali la kulmin si uu uga dalbado cafis islamarkaana uu u dhiiragaliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com