Diyaarad kale oo Soomaali kasoo celisay dibedda oo kasoo degtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradii seddaxaad oo muwaadiniin Soomaaliyeed kasoo qaaday dalka Sacuudiga ayaa galabta kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradan ayaa kasoo duushay magaalada Jidah ee dalkaas Sacuudiga waxayna siday 126 qofood, oo kala ah 24 dumar ah iyo 102 rag ah.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Muqdisho laga soo dejiyay dad Soomaaliyeed oo sidaan oo kale looga soo qaaday dalka Sacuudiga Carabiya.

Diyaaradii tan ka horeysay ee shalay kasoo dejisay Muqdisho qeybtii labaad ee dadkaas ayaa keentay tiro la eg tan maanta oo aheyd 126 qofood.

Sidoo kale maalinkii ka horeysay ee Jimcaha ayaa Muqdisho laga soo dejiyay 132 qofood oo dhamaantood laga keenay dalka Sacuudiga.

Dadka seddaxdii maalmood ee u dambeysay laga soo celiyay Sacuudiga ayaa u badan caruur iyo haween, waxana la sheegay in badankood ay xabsiyo ku jireen oo laga soo kala qabtay magaalooyinka dalkaas Sacuudiga, halka kuwa kalena ay isku dhiibeen booliska baacsanayey si loogu soo celiyo dalkooda.

Guddiga ay dowladdu u xilsaartay soo celinta dadkaas waxay habeen ka hor garoonka Muqdisho ka sheegeen in seddax loo qeybiyay dadka laga soo dalka Sacuudiga, waxaana galabta la keenay qeybtii seddaxaad.

Guud ahaan dadka laga soo celiyay seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay dalka Sacuudiga, waxay tiradoodu noqaneysaa 384 qofood oo iskugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah.

Dowladdu waxay sheegtay in soo celinta dadkan uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kasoo shaqeeyay guddi loo xilsaaray dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku kala xaniban daafaha dunida.

Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in dadkan ay yihiin dad tarxiilay oo ay soo dirtay dowladda Sacuudiga. Halkan ka aqri xogtaas.